• Dugsiga Degmada 622 si ay u Codsadaan Oggolaansho Codbixiye ee horumarada Dugsiga ee Gobolka oo dhan

    Kadib in kabadan laba sanadood pp qorshayn ah, talooyinka bulshada, iyo dib u eegista, Degmada 622 (North St. Paul-Maplewood-Oakdale) Gudiga Dugsiga waxay si wada jira u ansixiyeen  iyagoo weydiinaya kuwa degan si ay u taageeraan horumarada dugsiyada degmada si loo bixiyo badbaadada, mid cusboon, iyo barashada deegaan caafimaad qaba.

    Aftida damaanada codsiga wuxuu u iman doonaa codbixiyayaasha markay taariikhdu tahay May 14, 2019, ee doorashada. Haddii ay ansixiyaan codbixiyaayaashu, deeqaha waxaa loo isticmaali doonaa:

    • Inay ku daraan gelitaano amaan ah dhamaan dugsiyada
    • Inay siiyaan dhamaan dugsiyada qalabka wax lagu dhigto ama lagu fadhiisto kuwasoo casriya iyo fasalo waaweyn kuwaasoo u madax banaan, waxbarashada ah kooxo yaryar iyo kuwo waaweynba.
    • Dib u hagaajin iyo/ama balaadhinta shan dugsi
    • Dhisida laba dugsi hoose oo cusub
    • Xidhista ama dib u eegista afar dugsi

    Cashuur kororka ee celceliska dadka guryaha leh waxay noqon doontaa kaliya $5 bil kasta inkastoo kharashaadka dhismaha noqon doono guud ahaan $275milyon. Tani waa sababta degmadu u bixinayso daymihii hore – bixinta fursadaha si dib maalgelin loogu sameeyo dugsiyada iyadoo la qaadanayo dayn cusub taasoo la socoto kharashka  dheerigaa ee cashuur bixiyayaasha.

    Taariikhda la bixiyey ee Kormeeraha guud Christine Osorio ee codsiga lagu daray:

    • Inta ugu badan dhismayaasha Degmada 622 dugsiga waa kudhawaad 50 sanno jir, welina may helin dayac tir hagaagasan iyo inaan loo nashqadayn goobaha hadda wax lagu barto oo kale.
    • Habka dib u eegista qalabka waxaa laga arkay caqabado badan, taasoo kana mid tahay: meel aan ku haboonayn wax dhigista; qolaalka maydhashada iyo kuwa dharka; qalabka guryaha, hababka kulaylka/qabowga maaha kuwo shaqaynaya.
    • Waxaa jira xaalado aan amaan ahayn iyo qaybo badan oo buuq ah.
    • Dugsiyada inta ugu badan way ka faa’iidaysan doonaan habka galitaanka ee amaanka badan iyo cabiraado badbaado oo dheeri ah.
    • Dadka degan Degmada 622 wax ka yar ayey bixiyaan marka la eego cashuuraha hantida dugsiga marka loo eego barbardhiga degmooyinka ugu badan.
    • In dugsiyo cusub la dhisoo waa mid aan qaali ahayn, xoojiyaan kuwo kale iyo in la cusboonaysiiyo dhismayaashii hadhay marka loo eego waxay noqon lahayd in la hagaajiyo dhamaan dhismayaasha jira hadda.
    • Sababtoo ah degmada ayaa bixinaysa dayntii hore, waxaa jira fursado si dib maalgelin loogu sameeyo dugsiyada iyadoo la qaadanayo dayn cusub taasoo la socoto kharashka dheerigaa ee cashuur bixiyayaasha.

    “Waxaan ku howlanayn shaqaalahayaga, waalidiinta iyo xubnaha bulshada dib u eegista balaadhan ee xarunta si aanu uga caawino qaabaynta soo jeedintayada ugu danbaysa,” waxaa sidaa yidhi Komeeraha guud Osorio. “waanu ku faraxsanahay in soo jeedintan ay casriyeyn doonto dugsiyada ku yaala degmada, taasoo la socoto koror yar oo ku imanaya cashuurta ee dadka degan”

    Shaqaalaha Degmadu waxay bilaabi doonaan diyaarinta qalabka macluumaadka si loola wadaago bulshada uguna  caawiyaan dadka degan deegaanka kuwaasoo la samaynayo cod bixin la wargeliyey bisha May 14 keeda.